Danaha Qarsoon ee Faransiiska Iyo Kiiniya ka Leeyihiin Soomaaliya!!

Wararka Maanta

Dawladda Kiiniya ayaa gudaha u gashay Soomaaliya, iyada oo aan kala tashan dawladdii ku-meelgaarka aheyd ee xilligaas ka jirtay Soomaaliya. Waxaa howlgalkaas si wada jir ah u wada fuliyay Kiiniya iyo Faransiiska. Howlgalkaas waxaa loo gu magac-daray “”Linda Nchi”. Howlgalka Militari wuxuu ku wajahnaay gobalka Jubbada Hoose, si Alshabaab loo ga sifeeyo deegaannada hoostaga gobalkaas, Kiinya iyo Faransiiskuna ka hirgaliyaan danahooda istaraatiijiga ah. Shirkadda Total ee ku caanbaxday baaritaanka shidaalka iyo Gaaska, ayaa gadaal ka riixeysay howlgalladaan oo dhan.

Dowladdii xilligaas ka jirtay Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Shiikh Shariif, wey ka carootay howlgalka Militari ee aan laga la tashay, ilaa madaxweyne Shiikh Shariif ku tilmaamay howlgalkaas in uu xadgudub cad ku yahay qarannimada iyo madaxbannaanida dalka Soomaaliya. Beesha Caalamkuna waa ku kala qeybsantay howlgalkaan Faransiisku la wado Kiinya. Mareykanka ayaa kow ka ahaa dawladihii dhaliilay, walow Faransiisku uu ku adkeystay in howlgalkani mira fiican u soo hooy doono gobalka, si guud.

Sidoo kale, Faransiisku wuxuu gadaal ka riixayey qorshihii dhicisoobay ee uu watay Barofessor Maxamad Axmad “Gandi”. Ka dib markuu uu Barafasoorku ku dhawaaqay 20011-kii maamul gobaleed loogu magac daray ” Azania”. Aqoon yarida siyaasadeed iyo tan Militari ee Barofasoorka heysay ayaa fashilisay qorshihii Faransiisku gadaal ka riixayay. Kiiniya ayaa ku qancisay Shiikh Shariif in lagu wareejiyo 250-ka askari oo loo tababaray maamulka Gaandi, arrintana si diblomaasiyadeysan in loo xalliyo, qorshaha Gaandina la iska xiro. Faransiisku intaas kama lug bixin howsha, oo howlgal kasta wuxuu ka ciyaarayay in uu isku soo dhaweeyo labada dhinac.

Ugu danbaytii, Kiiniya waxey gaartay ilaa Kismaayo, waxayna billaawday in ey qandaraasyo culus la gasho shirkadda caalamiga ah ee Total , si ey shidaalka uga baarto barta haatan lagu muransan yahay. Abriil 2009-kiina dawladdii Kiiniya iyo tii xilligaas ka jirtay Soomaaliya waxey wada galeen isfahan la xariira sida loo xallin lahaa muranka la xariira biyaha labada dal.

Shirkadda Total Kiiniya waxey joogtay laga soo billaabo 1955-kii. Waxeyna shidaal ka baartay dalalka fara badan, sida; Mosambiik, Tansaaniya, iyo Kiiniya. Danaha Faransiisku ka lahaa howlgalkaan Soomaaliya laga dhex fuliyay, ayaa ah in halista Alshabaab laga fogeeyo goobaha istaraatiijiga ah, ee ma aheyn in halista xagjirka Soomaaliya laga qabto. Waxaa jira wax isdabamarsiis iyo musuqmaasuq fara badan oo aan cidna loo sheegin, taas oo ey isweydaarsadeen dawladdii xilligaas ka jirtay Soomaaliya iyo Kiiniya. Faransiisku wuxuu ka ahaa garwadeen iyo dhexdhaxaadiye eeganaya danaha muhiimka ah ee uu ka leeyahay Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Fiiro Gaara; Waxaa Tarjamaad guud ku sameeyay qormadaan af Talyaaniga ku qoran ; Cabdicasiis Maxamad Shidane. Mahadsanidiin.

Comments are closed.