Mahad Cilmi Cali oo la wareegay xilka Guddoomiyaha degmadda Waaberi (Sawirro)

Wararka Maanta

Guddoomiyaha cusub ee degmadda Waaberi  Mahad Cilmi Cali ayaa  la wareegay Xilka Guddoomiyenimo ee Degmdaas oo dhowaan loo Magacaabay.

Xaflad balaaran oo arintaas ku saabsan ayaa ka dhacday xarunta Maamulka degmada Waaberi taasoo ay ka soo qeyb galeen qeybaha bulshada degmadaas, saraakiisha amaanka iyo masuuliyiinta kale ee degmada.

Guddoomiyihii hore ee degmada Rowdo C/laahi Colaad oo xilka wareejisay ayaa guddoomiyaha Cusub kula dardaarantay inuu ka shaqeeyo horumarka shacabka degmada Waaberi oo ay sheegtay iney yihiin dad nabada jecel.

Xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, guddoomiyaha ururka haweenka G/Banaadir iyo xubno kale.

Rowdo C/llaahi Colaad oo ka mid aheyd Guddoomiyeyaashii degmooyinka ee uu magacaabay sanad ka hor duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhowaan xilka looga qaaday wareegto ka soo baxday guddoomiyaha gobolka banaadir, iyadoo xilka ka qaadisteedu uu qeyb ka yahay isbedel lagu sameynayo gudoomiyeyaasha degmooyinka caasimada.