Iiraan oo soo dhoweysay Rag u Af-duubnaa Burcad Badeed Soomaali ah

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda sirdoonka Iiraan Mahmoud Alavi, ayaa soo dhoweyn diirran ugu sameeyay Magaalada Tehraan Afar Badmaax oo muddo ku dhow Saddex Sana u Af-duubnaa Burcad Badeed Soomaaliyeed.

Kallumaysatadan oo lagu kala Magacaabo Masoud Balouchi, Ahmad Balouchi, Adam Balouchi iyo  Shir-Mohammad Tabezar, ayaa dhammaantoodba ahaa Sunni ka soo jeeda Gobolka Baluchestan ee Koofur Bari Dalka Iiraan

Ciidamada gaarka ee Dalka Iiraan ayaa Todobaadkii tagay dabayaaqadiisii soo badbaadiyay Afar Nin oo u Afduubnaa Burcad Badeed Soomaaliyeed muddo ku dhow Saddex Sano.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda sirdoonka Qaranka Iiraan ayaa lagu sheegay in howl-gal qarsoodi ah oo ay sameeyeen Ciidankooda gaarka ah ay ku soo badbaadiyeen Afar Nin oo Kalluumaysato ah, kuwaas oo ay Jirri Badeed Soomaaliyeed ka qafaasheen 2015-kii meel u dhow Biyaha Caalamiga ah.

Isha: Tehran Times