HUBSIIMO HAL DHAN BAA LA SIISTAA!!

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Hadal heynta facebook labadii maalmood ee u dambeysey waxay aheyd Cilmi baaris ka hadleysa tacadiyada Gabdhaha Saxafiyiinta ah lagu kaco tasoo ay sameeyeen Ururka SWJ oo ay Farxiyo Maxamed Kheyre hogaamiso.  waxaa I soo wacday ka bdan 10 Qof oo mid walba ka cabanayo daraasadda la sameyey, waxay ku andacoonayeen sida ay hadalka u dhigeen in Cilmi baristu ku xadgudubtey inta badan Warbaahinta Hablaha ka shaqeeya oo ay beri yeeshay in yar oo ka mid ah Hablaha ka shaqeeya  Warbaahinada qaarkood. Waxaan yaqiinsaday hadii arinaasu jirto in la soo eedeeyn karo Kheyrto iyo Asxaabteeda sababo la xiriira Daraasadda ay soo bandhigeen.

Si aan wax uga ogaado eedeynta loo soo jeedyey SWJ waxay igu khasabtay inaan Buugga oo dhan akhriyo oo aan ka baaro waxyaabaha laga sheegayo oo ah in la beri yeelay in yar oo ka mid ah Warbaahinada muqdisho intooda bandanna lagu xadgudbey Gabdhaha ka shaqeeya.

Xaqiiqdii waa aan waayey eedeyntaas waana wax kama jiraan, daraasadana waxaan u arkaa mid mudan in la tageego oo la soo dhoweeyo,  inkastoo ay bilow tahay khaladaad waa ku jiri karaan laakiin ma mudna in la naqdiyo, waxaan qabaa hadii wax ka dhiman yihiin in lagu daro hadii wax ka qaldan yihiinna in la saxo ee marna ma taageerayo in la qaadaco iyadoo weliba dadka lagu beer laxowsanayo waxyaabo aan ku jirin daraasadda oo xaqiiqda ka fog.

Haddii laga careysan yahay maswirada la soo qaatay ee Buugga ka muuqda  oo tilmaamaya Gabdho ka shaqeeya Warabahinad qaar waa arin kale oo suurtagal ma ahaateen in la qaato masawirada gabdhaha Warbaahinada oo dhan ka shaqeeyo. Soomaalidu waxay tiraahdaa ‘Hasha caanaha diidan geed ay ku xogato ma weydo” waxay kaloo ku maahmaahdaa “Hasha Maqaarka diidan meel daloosha ayey ka daydaydaa”.  waxaan ula jeedaa hadii muraadkaagu yahay dadaalkii la sameeyey ee juhdiga la geliyey ayaan ka soo hor jeedaa warkaagu waa cad yahay laaakiin haddii aaney sidaa aheyn adigoon caroon Buugga si fiican u akhri markaas ka dib sheeg dhaliishiisa iyo Amaantiisa.

Daraasadan kahor waxaa la qoray intaan ogahay laba Buug oo ka hadlaya tacadiyada lagula kaco gabdhaha marka ya joogaan goobaha shaqada iyo marka ay shaqada raadsanayaan. Buugga koowaad waxaa ciwankiisu ahaa “ILLINTAN QUBANEYSA YAA KA DAMQANAAYA”, marka la soo koobo waxa uu xambaarsaa oo si fiican loogu abaaray sida ay Soomaaliya uga jirto  “GALMO SHAQO KU BEDELASHO” Waxaa qortay  Gabar Soomaaliyeed oo damiir  leh oo ka damqatay dhibaatooyinka lagu hayo Gabdhaha Soomaaliyeed ee shaqo doonka ah,  waxaana Gabadha Buugga qortay la yiraahdaa MUNO DIIRSHE weli ma arag cid ka qeylineysa oo Ganadhaas iyo Buugeeda canbaareyneysa.

Buugga Labaad waxaa la yiraahdaa  “WARSAME IYO WERIYINIMO” Waxa uu ka hadlayaa weliba isagoo ku talax tegey meelaha qaar tacaadiyada lagula kaco Hablaha Weriyaasha ah xiliga ay shaqada ku jiraan. Waxaa qoray Buugaas Qoraaga SULDAAN NEYRUUS. Isagana ma arag cid ka hadleysa oo ku doodeysa in qoraagaas xadgudub u geystey Hablaha Saxafiyiinta ah.

Su’aashu waxay tahay waa maxay tacadiga ay geysteen gabdhaha SWJ oo Buugooda ciwaan uga dhigay “Daraasadda Aasaasiga ah ee Xaaladda ay ku shaqeeyaan Gabdhaha Suxifiyiinta Soomaaliyeed” oo weliba daraasadda dhinacyo badan ka eegay oo xeeriyey, Qarash iyo Juhdi badanna geliyey oo tegey gobolada dalka lana kulmay oo wareystay inta badan gabdhaha Weriyaasha ah ee ka howl gala Soomaaliya.

Gebagebadii waxaa haboon in wax la hubsado oo si hoose Gabdhuhu isu wareystaan intii ay meel cidla ah iska xagxagan lahaayeen oo daraasadan la soo dhoweeyo si meesha looga saaro madmadowga jira, loona beri yeelo Madaxda Warbaahinta Soomalida meelna aan looga dhicin sharafta iyo karaamada Gabdhaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo aniga madaxa ii saaran..

Cabdinaasir Xersi Iidle

Mail. naasirx1@gmail.com

Tel. 00252615503978