Dhuusamareeb: Kheyre oo kormeeray Ciidamo lagu biiriyey Xoogga Dalka

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ugu tegay ciidamada xoogga dalka ee ka tirsan guutada 15-aad ee taliska qaybta 21-aad, oo ka kooban ciidamadii dhawaan la qarameeyay ee Ahlu Sunna iyo ciidamadii qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda diyaar u ah howl-gallo lagu baacsanayo Alshabaab.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay kormeer dhiirri gelin iyo dardaaran ah ayaa ku boorriyay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada, qarannimada, sugidda amniga iyo howl-gallada Alshabaab looga xoreynayo deegaannada ay uga suganyihiin dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ula dardaarmay Taliyaha guutada 15-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha taliska 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir (Kaanti), isaga oo ku adkeeyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran difaaca dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada ay u xil saaranyihiin.

Khayre ayaa sheegay in muhiimad wayn ay dowladda u leedahay tayeynta ciidamada iyo qalabeyntooda ayaa ballan qaaday in si dhaqsa ah loo dhisayo xarunta 21-aad, ciidamadana loo dhammaytirayo dhammaan qalabka iyo tababarrada ay u baahanyihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan fulinta mas’uuliyadda weyn.

Gen. Mascuud Taliyaha cusub ee Guutada 15aad ayaa horey u ahaa Taliyihii ciidamada Ahlu Sunna, wuxuuna ka mid ahaa masuuliyiinta Ahlu Sunna ee daneynayey in heshiis lala gaaro Dowladda Federaalka.