Dowlada Federaalaka ayaa tiri: Anagu dhaxdhaxaad ayaan ka nahay arrimaha walaalaheena Carbeed. Inksta oo la dareemi karay in ay dhina Qatar u janjeerto.waana tan keentay in maamul gobaleedyadu ay yiraahdaan anagu waxaan la jirnaa isbaheeysiga sucuudiga.( waa yaab in maamul gobaleed xiriir Dibadeed ka hadlo ama uu Gobalo magacaabo, ama uu heshiisya caalamiya uu galo).taa waxaa qaba federaalka qabyaaladeeysan ee somalida, oo deegaanada qaar ay u fahmeen federalku in uu yahay qabiil, qaar kale ayaan weli u fahmin, waana la isku dhunsanyahay.
Haddii Somali land , Punti land, Hirshabeele, K/Galbeed iyo juba land ay wada taageereen Isbaheeysiga ,markaa Dowladu yeey codkooda ku hadlee? Kaba sii darane, oday duub dhaqameed ah ayaa isna wareegta soo saaray isaga oo leh aniga iyo beesheeydu waxaan la jirnaa isbaheeysiga.
Qatar waxa ay ka howl bilaawday in ay maamul gobaleedyada qaar wa shamsi lagu qaado, ugu horeeyna masuul u hadlay dowlada Qatar ayaa yiri: maba jirto wax la yiraa Somali land. 4ta maamul gobaleed, laba ayaa jilcasan aan ka bilaabo Hirshabeele iyo K/Galbeed, annaga oo u kaashaneeyno saaxiibadeena somalida ah, labada kale dib iigu dhig,Galmudug iyada 4ta jaho ayaa colaadu uga furantahay ,hadba kii aan doono ayaan xoojinaa oo aan ku kicinayaa.
Inteen ka baxaa meel Alla, Inteen u soconaa somaliyeey, yaa na wado, ma gaadiidka ayaan ku eedeeynaa hogaan xumida, mise kan gaadiidka hogaaminayo? Coowskii ma maroodi carbeed ayaa ku dul durdurinayo?. Ar Federaalku waa qunfacay ee feertee xanuunee?
Qore: Yahya Amir