MADAXWEYNE BALLANQAADKAAGII BEENOW!

Wararka Maanta

MADAXWEYNE BALLANQAADKAAGII BEENOW!

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi farmaajo oo qeyb ka ahaa musharixiintii madaxweynaha dalka ayaa horaantii sanadkan baarlamaanka Soomaaliya ka hor jeediyay khudbad uu uga duwanaa musharixiinta badankood taasoo muwaadiniin badani u arkeen inuu iyaga u hadlayo,kana turjumayo baahidooda rasmiga ah ee xiligaas ka jirtay dalka.
.MUXUU SHEEGAY?
in eysan jiri doonin qaraxyo iyo weeraro shacabka lagu gumaado oo lagu qaado meel dambe.
In haddii Argagaxisadu ay weeraraan hotel ama xarun kale oo ganacsi ay dowladdu dhisi doonto islamarkaana magdhow siin doonto dadka iyo hantida waxyeeladu gaartay.

8DII FEBRUARY KADIB MAXAA DHACAY?

Argagixisada Al_shabab ayaa dardar geliyay howlgalo u muuqday si feyn iyo ciribtir oo ay Dilal qorsheysan kula beegsadeen boqolaal qof oo isugu jiray saraakiil,oday dhaqameedyo iyo siyaasiin kuwaasoo aan 1 qof loo qaban kooxihii ka dambeeyay,Waxa ay sidoo kale weeraro loo adeegsaday gawaari qaraxyo ah iyo rag hubeysan ku qaadeen xarumo dowladeed iyo goobo shacabku ku badanyahay oo ku yaala ilaa 7 degmo oo ka tirsan gobolka banaadir.

PIZZA HOUSE IYO POSH THREAT!
waa 2 maqaayadood oo si casri ah loo qalabeeyay islamarkaana ay hirgaliyeen ganacsato Soomaaliyeed oo isugu jira dal joog iyo qurbo joog,kuwaasoo ujeedkoodu ahaa iney maalgalin iyo shaqo abuur ka sameeyaan dalkooda oo in ka badan rubac qarni ay yarayd fursad abuur noocan ah,iyo rajo-gelin bulsheed.
waxa ay waqti kooban gudihiis noqdeen goobaha ugu magaca dheer Muqdisho oo marti geliya kulamada caa,ilooyinka,qalin jabinta ardayda,xafladaha iyo abuurista jawi farxadeed oo dhalinta ka weeciya ku biiritaanka falalka kharbudaada ah.
Sababta aan usoo qaatay 2daan hotel waa iney ahaayeen dhacdadii ugu danbeysay ee weli quluubteena baaqiga kusii ah.
Waxey kamid noqdeen goobo ganacsi oo amar madaxweyne looga qaaday hubkii iyo ilaaladii ay isaga difaaci jireen argagaxisada
waxaase 4 maalmood kadib markii hubka laga qaaday weerar ku ekeeyay Al_shabab oo qarax kadib gudaha u galay islamarkaana mid mid u toogtay dhamaan dadkii afurka u fadhiyay iyo shaqaalihii ka howlgalayay.
Waxa ay sidoo kale burburiyeen dhamaan qlabkii iyo dhismihii taasoo adag sida looga soo kabsan karo,in ka badan 30 qof ayaa lagu dilay weerarkaas.
MUXUU GABAY MADAXWEYNUHU?
1. ma uusan booqan Xarunta la weeraray si uu arko dhibka dalkiisa gaaray.
2.ma uusan booqan dadka waxyeeladu gaartay si uu ugu muujiyo in dowladdu ka xuntahay waxyeelada loo geystay.
3. looma muujin wax garab istaag ah ganacsatada isku dayga sameeyay ee hantidooda la burburiyay si eysan u niyad jabin.

Hadaba intaas kadib waxaa iisoo baxday in hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ahaa meel ku gaar oo kali ah islamarkaana eysan jirin Qorshe u degsenaa oo u baahan inuu u fuliyo siduu u ballan qaaday.
SHACABKA MAXAA LA GUDBOON?
Iney si cad ula xisaabtamaan dowladda uu hoggaamiyo farmaajo oo ku fashilantay ballanqaadyadii ay sameysay islamarkaana go,aan mid ah ka istaagaan dhamaan hay,adaha dowladda ee kala duwan si dowladdu isku saxdo ama xukuumaddu isku casisho.
MADAXWEYNE BALLANQAADKAAGII BEENOW!
Maxamed Cali Axmed
Canshuur1@gmail.com