Wariye Coldoon oo maanta la Maxkamadeynayo

Wararka Maanta

Hargeysa ayaa maanta lagu waddo in Maxkamad lagu Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Halkaas.

Wariye Coldoon ayaa lagu eedeeyay in uu  ku xad gudbay Jirintaanka Somaliland.

FB_IMG_1488013765915

Somaliland ayaa horay u sheegtay in Wariyaha ay Maxkamadeyn doonto , islamarkaana ay sharciga Marsiin doonto ka dib Markii ay sheegeen in uu ku xadgudbay Qaranimada Somaliland.

Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Garoonka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka laabtay Muqdisho , islamarkaana uu taageero u muujiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.