MADAXWEYNE AXMED MADOOBE WAXAA MACALIM U AH MADAXWEYNE FARMAAJO

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

MADAXWEYNE AXMED MADOOBE WAXAA MACALIM U AH MADAXWEYNE FARMAAJO

Sida qofkasta oo Soomaali ah ogyahay Siyaasada Soomaaliya oo in mudo ah (laga soo bilaabo 21kii Oktober 1969 kii), ku soo jirtay in la isku dilo, in la iska xoogo ayaa markii danbe dadka Soomaaliyeed intooda wax-garadka ah waxay isla garteen in gebi-ahaanba la joojiyo siyaasada ku dhisan in siyaasada la isku dilo iyo in xukunka Soomaaliya noqdo mid loo maro wadada nabada. Siyaasada ku dhisan QUNYAR SOCODNIMADA IYO IN LA WADA LEEYAHAY DOWLADNIMADA waxaa lagu go’aamiyay Shirkii Carte ee Dalka Jabuuti. Intii ka danbeeysay xiligaas siyaasiyiinta Soomaalida waxaa XAYN-DAAB siyaasadeed u ahaa in siyaasada Dalku tahay wax lawada leeyahay iyo xilka iyo xukunka in loo maro wadada nabada (non violence method).

Hase yeeshee waxaa marlabaad taladii FARAHA KA BAXDAY markii Madaxweyne FARMAAJO xilka Madaxweyne ee Dalka Soomaaliya loo doortay February 8, 2017.

FAGTII HOREBA Madaxweyne FARMAAJO wuxuu la kacay Golihii Shacabka ee asaga laftigiisa Madaxweyne u doortay.
In Madaxweynuhu fara-geliyo Hay’ada Sharci- Dejinta oo hooyo u ah Dowladnimada Soomaaliya waa eed iyo danbi laga galay saareeynta sharciga iyo dowladnimada xalaasha ah.. Wixii dhacay maalintii 4ta April 2017 kii waxay aheed JARIIMA laga galay guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, Golihii Shacabka ayaa xoog ciidan lagu qabsatay maalintaas, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ee waxgartaahi Madaxweynaha uma caqli celin, qaarna waaba u kaalmeeyeen, 9kii April 2018 kii Gudoomiyihii Golaha Shacabka ayaa Ummada Soomaaliyeed la wadaagay in la-is-xoogay, maalin cadna laga xayuubiyay xilkii uu u haayay Ummada Soomaaliyeed, natiijadiina waxay noqatay in Golihii Shacabka Soomaaliyeed in loo bedelo Golaha Sacabka Soomaaliyeed. Dad farabadan oo Soomaaliyeed kuma baraarugsana in Hay’ada Sharci- Dejintu tagay aas-aaska dowladnimada, hadii aas-aasku dumana Dowladimo waa duntay. Madaxweyne FARMAAJO intaas kuma ekaan e wuxuu dumiyay 3 Maamul Goboleed, maantana haba-yaraatee wax Maamul ah kama jiraan:
1. Hirshabeele State.
2. Gulmudug State.
3. Koonfur Galbeed.
Qofkasta oo ah Soomaali xalaal ah waxaa XANUUN ku haaya wixii ka dhacay Magaalada Baydhabo..Ubadka Soomaaliyeed ee mustaqalka dhalan-doona waxaa loogu dhigi-doonaa Dugsiyada iyo schools ka wixii ka dhacay Baydhabo, in shacab fara-maran loo adeegsado awood ciidan dabaabaad ku hubeysan si loo gaaro dano siyaasadeed waa qeyb ka mida taariikhda madow ee laga dhaxlay Doorashii February 8, 2017 kii.

MIRIHII KA DHASHAY SIYAASADA MADAXWEYNE FARMAAJO
Siyaasada Madaxweyne FARMAAJO ee ku dhisan Xooga iyo in la is-maquuniyo waxay wax weyn ka bedeshay balantii iyo aragtidii siyaasadeed ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed isla aqbaleen in gebi-ahaanba la joojiyo siyaasada Xooga ku dhisan. Hab-dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweyne FARMAAJO wuxuu siyaasada Soomaaliya ku celiyay hab-dhaqankii hore ee nuxurkiisu ahaa in awooda siyaasada la kala xoogo.
Nasiib daro Madaxweyne FARMAAJO isma weydiin sedex su’aalood oo asaasi ah:
1. Madaxweyne FARMAAJO isma weydiin in asaga oo xukunka doorasho ku yimid in aay suurta-gal tahay iyo in kale in uu xukunka ka yeeli-karo sida uu doono?
2. Madaxweyne FARMAAJO isma weydiin in dadka Soomaaliyeed xiise u qabaan iyo in kale siyaasad xoog ku dhisan?
3. Madaxweyne FARMAAJO isma weydiin in aay suurta-gal- tahay iyo in kale, in siyaasada Soomaaliya xiligaan aqbali karto in siyaasada la iska xoogo.

HADABA: aragtida gaaban ee aan meel fog wax ka arag waxay sababtay in laga bartay oo waliba laga badiyay in siyaasada la iska xoogo. Madaxweyne FARMAAJO asaga oo soo taagan ayaa hortiisa lagu qabtay doorashadii Jubbaland, Madaxweyne Axmed Madoobe haba-yaraatee wax kale ma samayn ee wuxuu sifiican u fahmay casharka Macalimkiisa weyn waa Macalim FARMAAJO e, qofkasta oo Soomaali ah oo wax-gartaahi waa u jeedaa in Madaxweyne Axmed Madoobe wax farabadan isdaba mariyay, hase yeeshee waa kuma qofka dhihi kara Madaxweyne FARMAAJO ayaa ka cadaalad iyo maamul fiican Madaxweyne Axmed Madoobe.

Gebagebadii, iga dheh Mudane Madaxweyne Axmed Madoobe waa arday fiican oo sifiican uga soo baxay casharkii uu ka bartay Macalimkiisa Madaxweyne FARMAAJO. Madaxweyne FARMAAJO waa Macalimka guud ee ugu cashar bixinta fiican, gaar ahaan barashada maadada sida ” Xukunka loo xoogo”. Ilaa iyo hadana waxaa barashada maadadaas sifiican uga soo aflaxay Axmed Madoobe.

SU’AAL: Tolow ayaa casharka Macalim FARMAAJO kaga faaiidi-doona Doorashada Gulmudug?

Soomaaliya Ha Guuleeysato: Aamiin

By Xasan Sheekh Cali Nuur

Aragtidaada ka dhiibo