Dhageyso: Khilaaf ka dhex Aloosan Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo ifbaxayey khilaaf ka dhex aloosan guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, khilaafkaas oo ragaadiyey howlihii loo igmaday.

Guddigan oo ka koobnaa 12 xubnood ayaa waxaa saameyn ku yeeshay khilaaf ka dhex curtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna.

Xoghayihii Guddiga CabdiKaafi Qaaf oo ka mid ahaa 3 xubnood oo Ahlu Sunna ku matalayey guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay inuu khilaaf ka dhexjiro xubnaha Guddiga.

Ilo xog-ogaal ah ayaa ceelhuur.com u xaqiijiyey in wasaaradda Arimaha Gudaha DFS diyaarisay warqad xilka looga qaadayo xubnaha Ahlu Sunna ugu jiray guddiga, kadib markii ay ka horyimaadeen Qorshaha Dowladda ee Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug.

Hoggaanka Ahlu sunna ayaa digniino isdaba joog ah u diray Dowladda Dhexe, iyagoo ku eedeeyey Dowladda in aysan fulin heshiis ay la gashay.

Halkaan ka dhageyso codka Cabdikaafi Qaaf.