Dhagaysiga dacwada xisbiga Hilmilo Qaran ay dowlada ka gudbiyeen oo bilaabatay

Wararka Maanta

Maxkamada Sare ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad ay Maxkamada Sare u gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran.

Dacwada ayaa waxaa ay la xiriirtaa xayiraadii garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu xayirey Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif sheikh Axmed,xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo.

Goobta dacwada lagau qaadayay ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed,Xubno ka socda Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada oo dacwadda ay ka taallo iyo Xubno ka socda Xisbiga himilo Qaran.

Waxaana dooda ugu horeysa ay maanta noqotay nuuca dacwadda iyo sida loo qaadayo taasi oo qareenada xisbiga ku doodeen in ay tahay mid maamul.

Waa markii ugu horeysay ee maxkamada sare ay dhagaysato dacwad xisbiyada mucaaradka ah ay ka gudbiyaan dowlada federalka.

Guddooomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa dhawaan sheegay in dacwada ay usoo gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran ay si cadaalad ah u qaadi doonaan,isla markaana wax faragelin ah uga imaaneyn laanta fulinta ee Xukuumadda Soomaaliya.