Madaxweynaha oo ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

Wararka Maanta

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Golaha Shacabka oo sida habsamida leh uga socda caasimadaha dowlad gobolleedyada dalka, dhowaanna ka bilaaban doona magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu amaanay sida hufnaanta ah ee Guddiyada doorashooyink heer Federaal iyo heer gobol u maamulayaan.

“Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), Guddiga Dowlad Goboleedka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaan ku ammaanayaa sida hufnaanta leh oo ay u maamulayaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee dalka ka socda. Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay kalsooni buuxda ku qabaan guddiyadda madaxa-bannaan, waxaana ku dhiirra-gelineynaa inay sii labalaabaan dedaalkooda ku aadan howlaha loo igmaday oo ay si habsami leh doorashooyinka ugu soo gabagbeeyaan waqtigii loogu talagalay”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda Dhaqanka Beelaha iyo Guddiyadda doorahsooyinka dadban inay xaqiijiyaan doorka kootada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%).

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo doorashooyinka Aqalka Sare iyo kan Golaha Shacabka ee Gobollada Woqooyi ee loo qorsheeyey inay Muqdisho ka dhacaan iyada oo la ilaalinayo habraaca doorashooyinka ee horey loogu heshiiyey lagana fogaanayo wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.

“Doorashooyinka ka dhacaya dalka waa guulo weyn oo ay Soomaaliya gaartay oo tusaale u noqon doonta adduunka iyo taariikh cusub marka loo eego wadamada dagaalka ka soo kabsaday sida Soomaaliya oo kale.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey, Beesha Caalamka, dowlad Gobolleedyada dalka ka jira iyo shacabka Soomaaliyeed doorkooda ku aadan qabsoomida doorashooyinka Dadban ee 2016.

Comments are closed.