Jubaland oo war kasoo saartay xayiraadii dowladu saartay socdaalkii kismaayo ee shariif shiikh axmed

Wararka Maanta

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa war saxaafadee d ay soo saartay ku sheegtay inay cambaareyneyso dhacdadii maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo lagu xanibay wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku soo jeeday Kismaayo.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay xanibaada iyo is hortaagga lagula kacay Madaxweynihii hore ay tahay mid ka soo horjeeda shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaalla, taasoo muwaadinka Soomaaliyeed xoriyad u siineysa inuu tagi karo, una safri karo meesha uu doono sida ku cad qodobka 21aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka KMG ah.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-