Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah Galmudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa u safray magaalada Muqdisho caasimadda dalka, waxaana garoonka diyaaradaha Cadaado ku sagootiyey Madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha Barlamaanka.
Mr. Xaaf ayaa hadal kooban oo uu saxaafadda u jeediyey ku sheegay in safar gaaban uu ku tagayo Muqdisho, madaxda Qaranka ay kulmi doonaan intuu Muqdisho joogo.
Waa safarkii ugu horeeyey ee Madaxweynuhu ku aado Muqdisho kadib doorashadiisa, warar hoose ayaa sheegaya in arinta ugu muhiimsan safarkiisa ay tahay sidii uu u diyaarin lahaa wafdiga Galmudug uga qeybgalaya shirka London, oo horey uu ugu qornaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo xubno kale.
Dhanka kale waxaa dib loo dhigay caleemasaarka Madaxweynaha, waxaana la filayaa in caleemasaarku dhaco 21 bishan, halka markii hore la filayey inuu dhaco 6 bishan.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa isku dayaya inuusan ku deg degin magacaabista Golaha wasiirada, isagoo ka hormarin doona dib u heshiisiin.