Alshabaab oo gubay Tuulooyin hoostaga degmada Xarardheere

Wararka Galmudug Wararka Maanta

vlcsnap-2016-01-18-14h47m28s238

Saddex maalmood lasoo dhaafay waxaa xiisad dagaal ka taagneed tuulooyin ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, dadka deegaanka ayaa Alshabaab kula dagaalamay deegaanka Dumaaye kadib markii ay shabaabku isku dayeen in xoolo qasab uga qaadaan dadka deegaanka.

Reer miyi ka hayaamay goobo kala duwan ayaa isugu tagay deegaankaas oo roobkii dayrta ka curtay, waxaana maalintii koowaad dagaalka Alshabaab looga dilay ilaa 5 askari, waxaana dadka deegaanku isku aruursadeen dhulka keynta ah, waxaana Alshabaab bilaabeen in ay qafaalaan gaadiid, iyagoo ciidan farabadan soo dhoobay deegaanada Dumaaye, Dabagalo iyo Tuulo Habaraawe oo dhammaan hoos taga degmada Xarardheere.

Dagaal maanta  ka dhacay deegaanadaas ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxaana Shabaabku hawada ka saareen isgaarsiinta degmada Xarardheere iyo tuulooyinka hoos yimaada, warar aan haleyno ayaa sheegaya in alshabaab gabi ahaanba gubeen  Tuulo Habaraawe, halka Dabagalo iyo Dumaaye ay gubeen qeybo ka mid tuulooyinkaas.

Dadka deegaanka ayaa diiday in ay isku dhiibaan Alshabaab, iyagoo doorbiday in ay la dagaalaan, laakiin waxaana jirin cid ka caawinaysa, waxaana Alshabaab ciidamo farabadan ka keeneen degmooyinka Galhareeri iyo Ceeldheer, Maamulka Galmudug ayaana wali ka hadlin dhibaatada alshabaab ku hayaan dadka rayidka ee deegaankaas degan.

Comments are closed.