Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Kusimaha Safiirka Maraykanka (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta Kulan kula yeeshay Safaarada Mareykanka ee Magaalada Muqdisho Kusimaha safriirka dowlada mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Martin Dale.

Labada Dhinac ayaa kawada hadlay arimaha Amniga guud ahaan Soomaaliya oo mareykanku qeyb weyn ka qaato, Gaar ahaan Arimaha Galmudug ee Hormarka dhaqaalaha,  la dagaalanka alshabaab iyo arimo kale oo dhowr ah.

Maxaweynuhu waxa uu uga mahad celiyay kaalintii uu Kusimaha Safiirka Mareykanku kulaha Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo Madaxweyne xaaf uu si gaara isugu xil saaray Waxa uu sidoo kale uga mahad celiyay Heshiiskii nabadeynta ee magaaalada Gaalkacyo oo hada ah magaalo ay si nabada isu dhex maraan, ayna ku wada noolyihiin dadka walaalaha ah ee wada dega magaaldaas.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale Kusimaha Safiirka uga Mahad celiyay kaalintii uu ku laha shirkii dhowaan kusoo gaba gaboobay barasalis Sidoo kale Madaxweynaha Doowlad Goboleedka Galmudug Ayaa Kala Hadlay danjire Martin Dale sidii Dowlada mareykanku ugu qeyb qaadan lahayd la dagaalanka alshabaab Gaar ahaan sidii Alshabaab looga Xoreyn laha deeganada aay ugu Suganyihiin Galmudug.

Kusimaha Danjiraha Dowlada Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Martin Dale ayaa xusay in Galmudug uu madaxweyne Xaaf ka Sameeyay hormaro la taaban karo isagoona madaxweynaha ku bogaadiyay Shaqada adag ee uu mudada kooban uu ku qabtay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo Safar dibada ah ku maqnaa Maalmihii lasoo dhaafay ayaa kulamo Horay ula yeeshay Madaxda Qaar kamid ah wadamada Uu booqday iyo Jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool Wadamadaas.