Madaxweynaha Galmudug ku wajahan Cabudwaaq

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa safarkiisii ugu horeyey ee uu ku tago meel Cadaado ka baxsan maanta ku tagaya Magaalada Cabudwaaq.

Xaaf ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinaya Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, wasiiro, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo waxgarad kale.

Xaaf ayaa noqonaya Madaxweynihii Galmudug ee ugu horeeyey ee booqda Cabudwaaq, magaaladan ayaa ka mid magaalooyinka ugu dadka badan deegaanada Galmudug, waxaana muddo ka jirtay amni darro iyo is ugaarsi beelaha wada daga.

Dhanka waxaa goordhow Cabudwaaq gaaray ciidamo horudhac u ah wafdiga Madaxweynaha, sidoo kale Xaaf ayaa la filayaa inuu safarkiisa labaad ku tago magaalada Galkacyo.

FB_IMG_1496561277933-1 FB_IMG_1496561273514-1 FB_IMG_1496561264968-1 FB_IMG_1496561255870-1