Madaxweynaha Tanzania Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirro Ka Tirsan Xukuumaddiisa

Wararka Maanta

War laga helayo madaxtooyada dalka Tanzania ayaa shegay in John Magufulioo ah Madaxwaynaha dalkaasi Tanzaniya uu xilka ka qaaday wasiirada beeraha iyo ganacsiga ,isagoona ku hanjabay in uu militariga uu daadgureyn doono si xal looga gaaro cabashooyin ay muujinayaa beeralayda dalkaasi.

Dalka Tanzania ayaa la sheegay in Dhoofinta dalaga ay ka mid tahay dhaqaalaha ugu badan ee dalkaasi ka soo xarooda,dowladda dalkaasi ayaa sheegaysa in sanadkan hoos u dhac baahsan la dareemay sababo laxiriira khilaaf ku saabsan wax soo saarka beeraha oo in muddo ah soo jiitamayay.

John Magufuli Madaxweynaha dalka Tanzania waxaa uu qaatay go’aan adag si uu xaqiijiyo in kumanaan beeraleey ah ay dalagooda ugu iibsadan qiimo wanagsan.

Dhibaatada ugu badan ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto muran ka taagnaa tabcashada miraha loo yaqaano cashew nuts-ka kuwaasi oo marka dibadda loo iibgeeyo ay dowladdu hesho faaiidooyin badan.

Beeraleeyda dalkaasi Tanzania ayaa diidanaa Muddo toddobaadyo ah  in ay iibiyaan dalaggooda sababtoo ah waxa ay ka cabanayeen hoos u dhac ku yimi qiimaha dalagga.

Madaxweynaha dalka Tanzania john Magufuli ayaa marka hore xilka ka xayuubiyay laba wasiir oo sida la sheegay ku guul dareesytay in ay soo afjaraan dhibaatada hoos u dhaca qiimaha dalagga,kadib markii lagu eedeeyey in ay ku lug lahaayeen hoo su dhaca iibka dalagyada beeraha,madaxweyne Makafuli ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo Isniinta lagu kordhiyo lacag dhan 1.3 doolar kiilihiiba.

Isha Warka SONNA