Maamulka Cadaado oo ka hadlay Sababta NISA u la wareegtay Madaxtooyada

Wararka Maanta

Maamulka Degmada Cadaado oo Xaqiijiyay in Ciidamada Nabad Sugida la Wareegeen Gacan ku heynta Madaxtooyadda Cadaado.

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Gobalka Gal gaduud ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Qeybta Gal Mudug la wareegeen Amniga Madaxtooyadda Magaaladdaasi.

Gudoomiyaha degmada Cadaado Cabdulaahi Cabdiraxman Tootoole oo warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada ay hada ku sugan yihiin Madaxtooyadda.

Arintan ayuu Gudoomiyaha sheegay in ay ka dambeysay ka dib markiii Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka Degmada ay ka codsadeen taliska nabad sugida inay la wareegaan gacan heynta madaxtooyada

Tootoole ayaa sheegay in horey madaxtooyada ay haatan ay ku jirto gacan aamin ah.