Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Xuseen Cali Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in siminaar kooban ay siiyeen ilaa 15 Askari oo isugu jira Rag iyo Dumar.
Xuseen Cali Xaashi ayaa sheegay intii uu socday Tababarka in lagu baray ka hortaga tacadiyada loo geysto Dumarka, xanaanada caruurta iyo sida loo xaliyo khilaafaadyada.
Sidoo kale Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa Ciidamada kula dardaarmay in bulshada qeybaheeda kale ay uga faa’ideeyaan casharadii ay barteen, si isbedel loo dareemo.
“Halkan waxaan Tababar ku siinay Arday, waxaan ku rajo weynahay in ay ka fa’ideysan doonaan, shaqadoodana ay qabsan doonaan, wax badana ay isbedeli doonaan.” Ayuu yiri Xuseen Cali.