Khilaaf ka dhex Aloosan Gudoomiyaha G. Banaadir iyo Wasiirka Maaliyadda

Wararka Maanta

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa la sheegay inuu is hor-taagay qorshaha Gobolka Banaadir loogu kordhinayo miisaaniyadda, gaar ahaan dakhliga uu ka helo Dekeda Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa bishii August ee sanadkan hor-geeyay Golaha Wasiirada warbixin ka hadleysa howlaha Gobolka iyo adeegyada lagama maarmaanka ah inuu u qabto shacabka, isagoo codsaday in 10% loo kordhiyo dakhliga Gobolka uu ka helo Dekeda Muqdisho oo hore u ahaa 15%.

Soo jeedinta ka timid Guddoomiyaha Gobolka ee kordhinta dakhliga oo ay aqbaleen Golaha Wasiirada ayaa noqotay mid aakhirkii dambe ka gudbi weyday Wasaaradda Maaliyadda oo laheyd  dar dar gelinta howlaha dakhli kordhinta gobolka.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaa la sheegay in dhowr jeer oo hore ka hor-yimid barnaamijka dakhli kordhinta Gobolka Banaadir, waxaana arrintan ay sababtay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ashtako u gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku doodaya in kordhinta miisaaniyadda Gobolka ay tahay mid lagama maarmaan u ah howlaha Gobolka Banaadir uu ku hormarinayo adeegyada uu bulshada u haayo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ballan qaaday inuu Muqdisho ka dhisi doono Iskuulo cusub oo lacag la’aan ah, xarumo caafimaad oo dadka si bilaash ah lagu daaweeyo iyo adeegyo badan oo uu maamulka cusub diyaariyey in lagu soo kordhiyo Gobolka haddii miisaaniyada la dalbay loo kordhiyo.

Xigasho: Jowhar.com

Tagged