khasaaraha Weerarkii Hotelkii Kismaayo oo kordhay

Wararka Maanta

Ciidanka  Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan weerarkii Hoteel Cascasey ee Magaalada Kismaayo, iyagoo soo badbaadiyey inta badan dadkii halkaas ku sugnaa.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo goordhow Warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarkii ka dhacay Hotel Madiina ee magaalada Kismaayo. 10 ka mid ah waa ajaaniib u kala dhashay dalalka kala ah:

  1. Kenyan 3 qof.
  2. Canadian 1 qof.
  3. British 1 qof.
  4. American 2 qof.
  5. Tanzanian 3 qof.

Waxaa ku dhaawacmay sida madaxweynaha uu sheegay 56 qof oo ay ku jiraan shaqaale u dhashay dalka Shiinaha, waxaana Sacadba Saacadda ka dambeysa sii kordhaya Khasaaraha dadka ay waxyeelado soo gaartay.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Musharax Madaxweyne Jubbaland Maxamed ismaciil Shuuriye, Hodan Naaleeye oo aheyd Gabadh ka timid dalka Canada oo Wariye aheyd oo si weyn looga yaqaanay Soomaaliya iyo Seygeeda Fariid Jaamac oo horay Wasiir kaga soo noqday Jubbaland, Deeq Wabi oo dhawaan ka yimid Mareykanka ahaana Madaxa Hay’adda SADO, Maxamed Sahal Gacmadheere oo ahaa Wariye ka tirsan Radio Ergo iyo TV-ga SBC.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa  Ganacsade Mahad Cabdulaahi Nuur Garguurte.Mahad oo ahaa Nin dhalinyaro ah ayaa ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed, isaga oo ganacsi ballaaran ku lahaa dalka Tanzania. Mahad ayaa waxaa la socday ganacsato Chines ah.