Jubbaland oo si kulul uga Jawaabtay Warqadii Wasaaradda A. Gudaha

Wararka Maanta

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa si kulul uga Jawaabtay Warqaddii Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS kasoo saartay habraaca Doorashada Jubbaland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri :”Doorashada Jubbaland, Habraacyadeeda, Soo xulista xubnaha Baarlamaanka, goobta doorashada iyo sugidda amnigaba waxay masuuliyad buuxda ka saarantahay Dowlad goboleedka Jubbaland wada xaajood iyo gorgortan midna kama galeyso.

Dowlada federaalka Soomaaliya wax door iyo masuuliyad ah oo ka saarani majirto intaas kor ku xusan ilaa la iska waafajinayo Dastuurka JFS iyo kan Dowlad goboleedyada dalka”.

Halkaan ka aqriso warsaxaafadeedka.