Kheyre oo Cadaado isaga tagay isagoo Faramaran.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka soo gaaray magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug, isagoo safar dhulka ah uga yimid magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug oo uu maalmahan ku sugnaa.

Waxaana sidoo kale Muqdisho ka yimid wafdi uu hogaaminayey Wasiiru dowlaha Howlaha Guud DFS Axmed Qoorqoor, waxay wafdigan isku dayeen in is hor fariisiyaan Odayaasha Dhaqanka Cadaado iyo RW Kheyre, waxaana suurtagali waayey kulanka labada dhinac.

Sida aan xogta ku heleyno Kheyre ayaa ku adkeysanaya ciddii tabasho qabta in ay tagto gogosha Dhuusamareeb, halkaasna ay ka sheegato waxa ay doonayso, taas oo keeni karta in beelaha qaar ka biyo diidaan tagista gogoshaas.

Reer Cadaado ayaa dhankooda ku adkeysanaya in ay helaan Xarunta Barlamaanka Galmudug oo dastuuri ah iyo martigelinta doorashada Galmudug.

Intaas kadib Kheyre ayaa u gudbay Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug, isagoo halkaas kula kulmi doona Odayaasha iyo Waxgaradka reer Gaalkacyo. Waxaana sidoo kale Saaka ka dagay Gaalkacyo ciidamo Boolis ah oo uu wato Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan.

Reer Gaalkacyo ayaa u xusul duubaya in ay dib u helaan kursiga Madaxweynaha Galmudug iyo gogasha dib u heshiisiinta.

Dhanka kale Kheyre ayaa dhexgalay mowjado siyaasadeed oo ay adag tahay xal ka gaaristooda. Waxaana dadka qaar shaki galinayaa in xukuumadda Nabad iyo Nolol doonayaan dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Sidoo kale ilo xog-ogaal ah ayaa inoo sheegay in Xaaf Ducaale oo howshii doorashada Galmudug u wakiishay Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS ayey suurtagal tahay inuu badalo go’aankiisa.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com