Formaajow beesobax waxaa ka dhasha nafbax!
Wuxuu xilka mataxnimo hayaa saddax bilood iyo maalmo. Wuxuu u debbaaldegayaa 100maalin guuro waxqabadkeed. Saddaxdaa bil, wuxuu dalka ka dhoofay 10mar, 9dalna booqday. Celcelis ahaan, bil ku dhawaad ayuu dibadda ku maqnaa. Wuxuu magacaabay 3agaasime madaxtooyo, halka ay dalka ka dheceen 30 qarax iyo 415 dhimasho!
Ogow, madaxdii hore, waxaa lagu eedeyn jiray waxaa kow ka ahaa dhoofka badan, balse, Formaajo adeegayaal ma waayee, waxaa na lagu yiri, socodaalladooda labo ma ahane, inta kale dhaqaale ku ma bixin. Oo kii madaxdii hore ma dhaqaale ayaa ku bixi jiray? MAGAG!
Saddax qodobba beesobaxa Formaajo ku ma habboona;
(1) Waa maalin axadaad, oo shaqo jirto, xafiisyada dawladduna inta shaqaysaa furan yihiin, oo aan fasax jirin. Marka sidey ku dhacday, in beesobaxa Formaajo lagu soo beego maalin shaqo? Saw cuuryaamin ma ahan iyo shaqo la dirir? Maxaan jimce ama maalin nasasho loogu aaddin amaan loo la sugan? Yaa laga cararayaa, oo dabada uga jira? Fudayd badnaa! Hadday jimco tahay waanba u garaabi lahaa, ee haddaanba la hurayn beesobaxa Formaajo, maxaan looga dhigin maalin fasaxaad? Aaway saacadihii uu kordhiyey Khayrre, ma in beesobax lagu qabtaa?.
(2)
Waa bil soonqaad, bulsho soomman, baahi hayso, lagana yaabo qaarkood, in aysan xalay suxuuran, kulayl iyo cadceedi hayso, sidee damiirkiisu u siiyey, in uu kadin isugu keeno, oo ka kor ciyo? Dad oomman, oo harraad hayo, in kaliil la tubo, si qudbo jaban, erayo ka la jeeda iyo hawraarro aan ujeed lahayn loogu sheego ma ahayn wax habboonaa.
Insaanka qaddari
Quruxi Aadan
Qaa’innimo iyi
Qish ka dheeroow
Haddaad qayr iyo
Qasad leedahay!
Maansadii: Ma qajile!
Hurkii, huurkii iyo hanfidii jirtay awgeed, waxaa neeftu ku dhegtay haween badan, oo qaarkood uur leh, oo loo la cararay isbitaallada Muqdisho. Alla arxandaranaa! Isaga waxaa u muhimsan ismuujin, oo ka danqan mayo marrastaa waxa soo gaaraya. Gabar uur leheed ayaa ku geeriyootay halkaa, haddaba, yaa geerideeda labo naflaydan sababay? Yaa magtooda bixinaya?.
Intaa kaliya dhibku ma ahan, ee badi waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa u xurnaa beesobaxa Formaajo. Oo kaalay, madaxdii hore, waxa lagu eedeyn jiray, saw ka ma mid ahayn waddooyinka ayey xirtaan? Maxaa isbaddalay?.
(3) musuqid hanti dawlo iyo ku takrifal awoodeed; sida lagu qoray barta JAWHAR, guddoomiye degmo kasta, waxaa lagu amray, in uu kun qof keeno garoonka, oo ka qaybgala beesobaxa Formaajo. Hadda cinwaanka faallada ma i la fahamtay? Formaajow beesobax bulshadu u ma baahna!
Dadka isugu tagay garoonka si ay uga qaybgalaan beesobaxa Formaajo, waxaa degmooyinkooda looga keenay baabuur soo daadguraysay, ka dibna celisay. Sidoo kale, waxaa loo qaybiyey boorar ay ku dheggan yihin sawirrada madax ku sheegga ka qaybgashay iyo hal ku dhegyo dacaayadeed. Dhammaan waxan oo dhan waa ku baxay qarax, beeso iyo lacag. Haddaba yaa bixinaya? Saw ma ahan hanti dadweyne iyo dhaqaalo dawladeed? Saw ma ahan musuqid maaliyadeed? Saw ma ahan ku takrifal awoodeed, illeyn qof aan xilkaa hayn intaa u ma suuragasheen? Wasiirka maaliyadda maxaa la gudboon? Dabcan, in uu baaro lacagtii ku baxday.
Midda kale, wariyayaasha idaacadaha, muuqsidayaasha iyo baraha internerka loo ma wada oggolayn, in ay soo tebiyaan beesobaxa Formaajo, ee waxaa laga xushay qaar ka mid ah, oo malaha afgarad uu ku la dhexeeyo gobolka, xukuumadda iyo madaxtooyada. Maalmahan ayaa la hadalhayey, in qarash badan lagu bixiyey, sidii loo afqaban lahaa warbaahinta madaxbannaan, iyada shuruur iyo laaluush lagu harqiyey!
Dhambaalka beesobaxa Formaajo farriintiisa dhan maadaama ay eheed RW ayaan magacaabay, dibadda ayaan u socdaalay, dal hebel ayaan tagay iwm, micanaha af ka hadal iyo ii dheh, waxaa ku filnaa hal muuqaal, oo ay is ka soo duubaan iyaga oo xafiisyadooda jooga, sida ay horaba u sameeyeen, ee ma ahayn, in waqti, qarash iyo dad soomman maalin shaqo is ku kordilaan! Taloxumadeennii waayee iyo dhimaal dhaqankenni isagu eed gaar ah ku ma lahan.
Isaga iyo intii dabayaacaysay, iyagoo faraxsan ayey guryahooda u laabteen, dadkii kalase daal, diif iyo diihaal ayey guryahooda ku la laabteen, waxaana ka sii daran, inta aan afur haysan, ishuna go’an tahay! Alla ayaandarro weynaa!
“Muhdiyohow mamaayaa
“IGU SAWIRTA” mooyiyo
Marras sawirro la la galo
Mudgi laga ilaaliyo
Loo yeelo midabboo
Mid mid loo adeegsado
Marna miidiyaha iyo
Meelaha mujtamaciyo
Marimmada dadweynaha
Lagu wada marriimaa
Magac lagu ma yeeshoo
Mabda’ qaran ma noqotee
Maxaa maato loo qaban?.
Madaxtooyo dhayliyo
Haddii miidda lagu cuno
Macmacaanna lagu cabo
Masaakiinta baahane
Muuqaalkooda murugtale
Laysku masawiraayaa
Maal adduunyo mey lahan
Miro beerna u ma bixin
Manfac dowladeed iyo
Mushaaraadna may helin
Cid kaloo masruuftana
Weligoodba mey arag!
Mariid madax ku sheggaan
Sawir maalinlaha badan
Meel kastaba ku gelayaa
Waa mar qura na sheegiyo
Soo is muujin kaligood
Muuqifkiyo go’aankuna
Waa meermeerin dhagareed
Iyo been is maqashiis.”
Maansadii: MAAWEELO!