Maxay tahay sababta dowladda Turkiga ay Soomaaliya howlgalka uga waddaa?

Wararka Maanta

Dowladda Turkiga waxa ay ka mid tahay dalalka sidda weyn u taageera Soomaaliya, waxaana sanadyadii lasoo dhaafay ay Soomaaliya ka waday howlo gargaar.

Dowladda Turkiga waxa ay Muqdisho ka furatay Safaarada ugu weyn ee ay ku leedahay Qaaradda Afrika , waxaa sidoo kale ay Muqdisho ku leedahay Saldhig.

Qaar ka mid ah dalalka Caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Sababta ay dowladda Turkiga ay muhiimadda intaasi la eg ay u siisay Soomaaliya oo ah dal Burburay.

Qaar ka mid ah dadka falanqeeya Siyaasadda Afrika ayaa waxa ay sheegeen in Soomaaliya dowladda Turkiga ay ugu jirto tartan ah in ay ka xigsato dalalka kale ee Afrika.

Ahmet Riza Demirer  Agaasimaga guud ee laanta xiriirka Afrika  ee Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Turkiga , oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Anadolu Agency ayaa sheegay in aysan jirin Tartan ay ka waddaan Soomaaliya,laakiin ay kaliya ay ku howlan yihiin Caawinta Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan ahayn meel uu caalamka ku tartamo Turkigana uusan tartan u joogin.

Ahmet Riza Demirer Waxaa uu ka jawaabayay su’aal ahayd sida dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale ay u arki karaan Saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Mar uu ka hadlaayay Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayuu sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay kaliya in lagu tababaro Ciidamada Soomaalida ah si ay amniga dalkooda wax uga qabtaan islamarkaana ay dowladda Soomaaliya noqoto mid amaankeeda iyada maamulata.