Itoobiya oo bilowday dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya

Wararka Maanta

Dowladda Itoobiya ayaa bilowday dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya oo maalmihii lasoo dhaafay kala qaatay Safiiradda ka dib markii uu xoogeystay Muranka badda ee ka dhex taagan labadda dal.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa u yeeray Maalmihii ugu dambeeyay Madaxda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu dambeyntii ay aqbaleen in la wada hadlo oo lasoo Afjaro Khilaafka labada dal ee ku saleysan dhanka Badda.

Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa in Magaalada Nairobi uu ka furmo kulan ku saabsan soo Afjaridda Khilaafka. Waxaana Cawaa gaaray Madaxwayne Farmaajo

Lama Ogga Waxaa iska badelay Mowfiqka dowladda Soomaaliya ee ku aadan Muranka Labadda dal, Maadaama horay dowladda Soomaaliya ay u sheegtay in wax wadahadal ah aysan la yeelan doonin dowladda Kenya marka laga hadlaayo Muranka hadda taagan ee Arrimaha Badda.