Xarunta Cilmi baarista ee RAAS oo qabatay Dood ku saabsan Haweenka iyo Xadgudubyada ka dhanka ah (Sawirro)

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Xarunta Cilmi baarista ee RAAS Institute for Policy Analysis ayaa qabatay Dood Cilmiyeed ku saabsan Haweenka iyo Xad-gudubyada Kufsiga, gaar ahaan sadaxdii sano ee lasoo dhaafay.

Doodan ayaa lagu casuumay bulshada qeybeheeda kala duwan sida, Culimaa’udiin, odayaal dhaqameed, xubno u dhaqdhaqaaqa xaquuqda haweenka iyo dhalinyaro, waxaana lagu falanqeeyay kororka falalka kufsiga mudadii saddexdii sano ee ugu dambeysay.

Doodan ayaa waxaan sidoo kale lagu casuumay Sheekh Baahiir Axmad Salaad oo ah caalim dhanka Diinta ah, Nabadoon Bedel Jaamac iyo Batuulo Sh. Axmad Gabale oo ah guddoomiyaha haweenka Qaranka.

Sheekh Bashiir oo ka hadlay falalkan kufsiga ee soo kordhay ayaa sheegay inay ugu wacantahay qaran burburkii dalka ka dhacay iyo hay’addihii fullinta sharciga oo itaal darri ku dhacday iyo falalka anshax xumada ah ee dhalinyaradu ka daawadaan Internet-ka taasoo keentay inay isku dayaan dhaqamadaas foosha xun.

Gabangabadii waxay soo jeediyeen kasoo qeybgalayaashu 

1- In wacyi gallin ay sameeyaan Culumada iyo dhamaan qeybaha bulshada.
2- In shacabku kala shaqeeyo hay’addaha amniga dalka sidii loo qaban lahaa dadka ku kaca falalka kufsiga ah.
3- In la adkeeyo ciqaabta kooxaha ku kaca falalka kugsiga lana gaarsiiyo dil si ay uga baqaan sharciga
4- iyo in RAAS laga codsaday in ay arintaan Cilmibaadhis ka sameyso sababaha keenay in Kufsiga uu soo kordho.

Gabagabadii  Miski Maxamed Dhoore  oo ku hadashay magaca Macadka RAAS ayaa sheegtay iyaga oo tixgelinaya codsiga bulshada ay ka diyaarin doonaan Cilmi baaris qotadheer taasoo shacabka Soomaaliyeed loogu soo bandhigayo sababaha kororka falalakaan kufsiga ah iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo.