Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Veysi Kaynak ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo Madax kale.
Ujeedada booqashada Mr.Veysi Kaynak uu u yimid Muqdisho ayaa ah u kuur gelida xaalada abaaraha iyo howlaha bani’aadanimada, iyadoo Turkiga bilaabi doono howlo loogu gurmanayo dadka abaareysan.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Vyesi Kaynak iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Madaxda dowladda Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in booqashada Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ay horu dhac u noqoneysaa socdaal la filayo inuu bishan gudaheed ku yimaado Muqdisho Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo furi doono saldhig Milateri Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya
Turkiga ayaa ah saaxibka ugu weyn ee Soomaaliya, waxayna horay uga qeyb qaadatay howlaha dib u dhiska, arrimaha bani’aadanimada, iyadoo ka hirgelisay Muqdisho mashaariic kala duwan, sida dhismayaal waddooyin, goobo waxbarasho iyo isbitaalo.