Soomaaliya gorgortan ma ka geli doontaa arinta xuduudda badda?

Wararka Maanta

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa caawa soo gaaray magaalada Nairobi, halkaasi lagu wado in looga xaajoodo xiisadda diblomaasi ee salka ku haysa xuduudda badda ee ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in laga wadahadli doono sidii dib loogu soo celin lahaa, loona xoojin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.

Waxa uu intaa ku daran in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa labada ayaa meel xun gaartay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaal xuduud badeedka lagu mursan yahay.

Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii London ka dhacay 7-dii Febraayo lagu soo bandhigay xog sahmin oo keliya isla markaana aanay xaraashin ceelal shidaal lagu tuhunsan yahay.

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo cilmiga Juqraafiga ka dhiga Jaamacadda Minnesota ee dalka ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay inaanay u muuqan in Soomaaliya ay wax gorgortan ah ka geli doonto arinta badda.

“Anigu waxaan isleeyahay arinta ceynkaas ah suuragal u noqon mayso madaxweynaha Soomaaliya, waayo dadka Soomaaliyeed oo dhan waxay ogyihiin xaqoodu meesha uu yaallo, gorgortanna kama geli karaan arinta ceynkaas ah,” ayuu yiri professorka.

Kenya ayaa la rumaysan yahay inay doonayso in arinta muranka xuduud badeedka lagu xalliyo qaab hoose, halka Soomaaliyana ay ku adkeysanayso in laga warsugo go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee loo gudbiyay kiiskan.

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in haddii ay dhacdo in Soomaaliya ay gorgortan ka gasho kiiska yaalla maxkamadda, ay taasi noqon doonto “shil weyn oo siyaasadeed oo soo gaari doona wadanka Soomaaliya.”

Weli Soomaaliya iyo Kenya ayaan dib isugu celin safiiraddii u kala fadhiyay caasimadahooda, waxaana la tilmaamayaa in arintaasi ay ku xiran tahay horumarka laga gaaro kulanka Arbaca dhici doona.