Israsaaseyn kooban oo ka dhacday Magaalada Cadaado.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa ka dhacay israasayn dhexmartay Ciidanka Nabad sugidda iyo Ciidamada Booliska Galmudug, waxaana shaqaaqadan ka dhacday xarunta badbaado oo fadhi u ah xildhibaanada xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Ciidanka NISA ayaa saaka tagtay xarunta badbaado, waxaana xiligaas ku sugnaa 20 askari oo boolis ah kaliya, waxaana muddo kadib halkaas ka bilaabatay israsaasayn labada ciidan ah, kadib waxaan usoo gurmaday ciidanka booliska shacabka magaalada, waxaana halkaan ku nafwaayey 2 askari oo NISA iyo Boolis isugu jira, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo labada dhinac ah.

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana ciidanka NISA dib uga baxeen goobta, odayaasha iyo waxgaradka magaalada ayaa isku dayaya inay xaalada qaboojiyaan, waxa ayna waan waan ka dhex wadaan labada ciidan.

Xildhibaanada ka soo horjeeda Madaxweyne Guuleed ayaa inta badan ku shira xarunta badbaado, waxaana xilliga shaqaadadu dhacaysay goobta ka maqnaa xildhibaanada, ciidamada NISA ayaa Maalintii Jimcaha hor istaagay Qado ay Hotel Central ku lahaayeen xildhibaanada.