Isla ciidamada dowlada oo dhaawacay taliyihii booliska degmada Hiliwaa

Wararka Maanta

Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hiliwaa Gaashaanle Cali Culusow ayaa ku dhaawacmay iskahorimaad dhex maray ciidamo Boolis ah iyo kuwa Milatari ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iskahorimaad uu ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Heliwaa uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

labo askari oo ka tirsan ciidamada Milatariga ayaa ku dhintey iskahorimaadkan halka qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

iskahorimaadkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay muran ku saabsan lahaanshaha dhul ku yaal degmada Heliwaa.

khilaafka ka dhasha lahaanshaha dhulka ayaa ah kuwo ku soo badanaya magaalada Muqdisho iyadoo mararka qaarna lagu dagaalamo.

Aragtidaada ka dhiibo