Number Kee Uyuu Xiran Doonaa Philippe Coutinho ?

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka cusub ee Barcelona Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa in la siiyay number 14 ka dib markii uu ka soo wareegay Liverpool.

Maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Coutinho uu xiran doono lambarka todobaad eeĀ  Arda TuranĀ  kaas oo la filayo inuu ka tago Camp Nou bisha Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Sky Sports News, Coutinho ayaa bedeli doona lambarka 14ka hadii uu sida la filayo, Javier Mascherano ayaa ka tagaya uu aado horyaalka China Super League.

Johan Cruyff iyo Thierry Henry ayaa labadoodaba xiran jiray lambarka 14-aad ee xilligaan la joogo kooxda reer Catalan.

Coutinho ayaa garoomada ka maqnaanaya seddex isbuuc ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa, taasoo keentay in waqtiga uu Mascherano dhameystiro heshiiska uu ugu biirayo Asia la siiyo.