Iibka Xafiiska Safaaradda Soomaaliya ee Washington D C.

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Iibka Xafiiska Safaaradda Soomaaliya ee Washington D C

Tix-raac qoraalkeygii hore ee ku saabsanaa Iibka Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Washington D.C ee dalka Mareykanka.

  1. Wasiirka Maaliyadda wuxuu caddeeyay in lacagta lagu iibiyay Xafiiska ay ku deeqday Dowladda Qatar, amarka iibkana bixiyay Madaxweynaha Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Munaasabadda furitaanka, Madaxweyne Farmaajo lama socon halka ay ka timid lacagta. Wuxuu sheegay in lacagtaas laga beekhaamiyay kharajkii lagu bixin jiray xil qaadista Ra’iisul Wasaarayaasha Dowladdii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud. Waxaase Madaxweyne Farmaajo iloobay kharajka dowladdiisa ku bixisay xil ka qaadista Guddoomiyihii Hore ee Barlamaanka Federaalka Maxamed Sheikh Cosmaan Jawaari iyo doorashada Guddoomiyaha cusub Maxamed Mursal, xil ka qaadistii Guddoomiyihi Maxkamadda Sare, xilka qaadista 5 Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Puntland, Koofur Galbeed, iyo Jubbaland.

  2. Waxaa muuqata in Madaxweyne Farmaajo doonayo, ku faraxsanahay inuu dhaleeceeyo Madaxdii ka horreysay, hase yeeshe uu diidan yahay in asaga la dhalleecey. Qiilka cusub ee uu soo daliishaday ee dad badan ka yaabiyay wuxuu yahay in haddii asaga la dhalleeceyo ay la mid tahay ayadoo la dhalleceeyay shacabka soomaaliyeed oo asaga u dooratay astaanka Soomaaliya. Qiilkaas wuxuu jideynaya in dhalleceyntii Madaxweyne Farmaajo muddo 4 sano la daba taagnaa Madaxweyne Xassan Sheikh ay qalad aheyd ayna habboon tahay in xilkiisa Madaxweyne loo celiyo, lana raalli geliyo, waayo wuxuu ahaa astaanka Soomaaliya.

  3. Lacagta lagu iibiyay Xafiiska Safaaradda laguma bixin oggolaanshaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, kamana mid aheyn Miisaaniyadda 2019 ee la ansixiyay. Sidaa darted, waa lacag si sharcidarro ah ku baxday. Waxaa cad in Dowladda Federaalka baalmartay ku dhaqanka Dastuurka dalka, sida awgeedna lumisay aqoonsigii sharci.

Dr. Maxamud M Culusow