Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn uga hor-yimid baaqii ka soo yeeray dowladda Qatar ee ay dhowaan u jeedisay dhinacyada isku haaya siyaasadda Soomaaliya.
C/raxmaan C/shakuur ayaa ku eedeeyay dowladda Qatar inay dhaqaale ku bixineyso duminta dowlad goboleedyada, lana caburinayo mucaaradka.
“Qatar baaq nabadeed oo afka baarkiisa kama rabno ee waxaa ka dalbaneynaa inay joojiso lacagta kaashka ee ay ku maalgelineyso maamulka Farmaajo oo lagu duminayo dowlad goboleedyada, lana caburinayo Mucaaradka, laguna laaluushayo Hey’addaha dastuuriga ah ee la xisaabtami lahaa Xukuumadda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay dowladda Qatar inay maalgelisay warbixin laga qoray xaalada xuquuqda aadanaha Soomaaliya.
“Qatar waxay maalgelisay warbixin laga qoray xaalada xuquuqda aadanaha Soomaaliya si loo qurxiyo sumcada maamulka Villa Somalia ee ay Qatar maalgeliso, si loo qurxiyo sumcada maamulka Villa Somalia ee ay Qatar maalgeliso, sida uu hadalka u dhigay, Qatar wax kale kama rabno ee maalka faasidka ha naga dayso”ayuu mar kale yiri.
Dowladda Qatar ayaa dhowaan ugu baaqday dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya inay meel iska dhigaan, isla markaana wadajir uga qeyb qaataan dadaalada geeddi socodka Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka uu bisha soo socota ka dhici doono magaalada Doxa ee dalka Qatar.