Dawladda Oo Sheegtay In Dishay Xubno Ka Tirsan Al-shabaab (War-Saxaafadeed)

Wararka Maanta

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Baay, kaas oo lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Dagaallamayaasha Al-Shabaab.

War-Saxaafadeedka Ayaa Waxaa Lagu Sheegay In Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah Ay hawlgal Qorshaysan Ka fuliyeen Gobalka Baay.

Hawlkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Askar Ka tirsan Shabaab oo Ku Sugnaa Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Bay.

Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo Dagaallamayaal mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta Sidii Alshabaab, Looga Saari Lahaa Deeganada Ay Kaga Sugan Yihiin Dalka

Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee Lala Beegsanayey Alshababkii joogay Deegaano Iyo Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Mudug.

War-Saxaafadeedka Laguma Sheegin Goobta Rasmiga Ah Ee Uu Hawl-galkan ka Dhacay Sidoo Kale Ma Jiro Wax War Ah Oo kasoo Baxay Al-shabaab Oo Ku Aadan Sheegashada Dawladda Ee Ah In Ay Dileen Xubno Ka Tirsan Ururka Al-shabaab.