Howlgallo Baaritaan oo ka socda Waqooyiga Gaalkacyo

Wararka Maanta

Wararka inaga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Gaalkacyo qeybta Puntland.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidamada Amniga Waqooyiga Gaalkacyo  ayaa sheegaya in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee Magaaladaasi iyo sidii loo soo qab qaban lahaa raggii ka dambeeyay Qarax gaarigiisa loogu xiray Sarkaal Sare oo shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxaa ku sugan taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gorod, waxaana uu halkaasi ka waddaa howlo nabadeyn ah.