Galmudug iyo Puntland oo maanta koonfurta Galkacyo ku shiray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shir u dhexeeya Mas’uuliyiinta Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Odayaasha Labada Dhinac ayaa Maanta ka dhacay Hotelka Five Star Ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Shirkaan ayaa ah mid looga arinsanayo Nabad galyada Gobolka Mudug iyo sidii aysan u soo laaban laheyn Dilalka ka dhaca Miyiga Gobolka Mudug,waxaana Labada dhinac ay diirada ku saareen in Shirku uu noqdo mid miro dhalo.

Sidoo kale waxaa Shirka Maanta u furmay Mas’uuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland looga hadlay siddii Ciidamada Isku-dhafka ah ee Labada Maamul ay sameysteen ay u bilaabi lahaayeen Howlgal wada jir ah.

Dhowr jeer ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay Shirar nuucaan oo kale ah islamarkaana looga hadlayo sidii Xal waara looga gaari lahaa Dilalka ka dhaca Miyiga Gobolka Mudug oo ay inta badan geystaan Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Labada Maamul Goboleed.