Horumar waxbarasho ee deegaanka Bandiiradley ee Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Kulanka oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socatay wasaaradda
waxbaarshada Galmudug, Aqoonyahano,waalidiin iyo arday ayaa waxaa ugu horeyn ka hadalay Macalin Salaad Cali Mire oo ka mid ah culuma’udiinka deegaankaasi,waxaana uu sharaxaad ka bixiyay sanado ka hor waxa laga aaminsanaa waxbarashada maadiga ah  iyo dadaalka ay u soo galeen.

“Runtii dadaal badan ayaa ku bixinaya sidii bulshada looga dhaahicin lahaa muhiimadda ay leedahay waxbarashada Maadiga ah,bulshadu haddawaa ay fahamsantahay , waxaana dadaalkaasi qeyb ka ah dadka jaaliyadaha ah ee ka soo jeeda deegaankan Bandiiradley”Ayuu yiri Macalin Salaad.
Agaasimaha waaxda waxbaarshada dadban ee wasaaradda waxbaarshada Galmudug Marwo Xabiibo Maxamuud Cabdi koofuroow oo iyana kulanka ka hadashay ayaa dhiiro gelisay horumarinta waxbarashada carruurta kunool deegaankaasi, iyadoo xustay in ka maamul ahaan ay taageero siin doonaan.

kulankaan oo intuu socday ay ka hadleen waalidiin, aqoonyahano iyo arday,sidoo kalana shahaadooyin abaal marinaa lagu guddoonsiiyay Dufcadii sadaxaad ee ka baxda dugsiga hoose dhaxe iyo sare ee Bandiiradleey ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Deegaanka Bandiiradleey C/risaaq Axmed Jaamac oo isagu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka waxbarasho xiligaan laga dheehan karo deegaanka Bandiiradleey.

“aad ayaan ugu faraxsanahay waana bogaadinaya horumarka dhanka waxbarashada ah, waalidintu waxaan ugu baaqayaa in ay kaalintooda ka qaataan sidoo loo horumarin lahaa waxbarashada ubadkooda,waa in la fahmaa in mustaqbalka caruurtu ay tahay in ay waxbarasho helaan”,Sidaasina waxaa yiri guddoomiye C/risaaq.

1-4-1 1-3-1 1-1-1

Xigasho: Sonna