Hirshabeelle: Maxamed Cabdi Waare oo noqday Madaxwaynaha cusub

Wararka Maanta

Maxaned Cabdi Waare ayaa uguuleystey doorashaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, kaddib markii uu wareegii ugu dambeeyay uu ka adkaaday Musharaxii la tartamayay Daahir Cabdulle Cawaale

Maxamed Cabdi Waare oo sanadkii hore la tartamay Madaxweynihi xilka laga qaaday Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa wareegii labaad kula tartamay Daahir Cabdulle Cawaale.

Waare ayaa helay 74 Cod, halka Musharaxa laga guuleystay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod.

Ciidamada ammaanka, kuwa AMISOM ayaa isku gedaamay Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdi Waare, si ay u sugaan ammaankiisa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Madaxweynaha.

Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdi Waare ayaa la dhaariyay, waxaana uu jeediyay khudbad uu uga hadlayo guushiisa iyo waxyaabaha uu qaban doono saddexda sano ee soo socota Guddiga doorashada ayaa sheegay in 27 bishaan la Caleema saari doono Madaxwaynaha

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa natiijada Doorashada kadib boogaadiyay sida ay wax u dhaceen waxuuna Waare kula dardaarmay inuu xilkiisa guto si hufan Dowladduna garabkiisa tahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo kamida ayaa Masuuliyiinta ka qayb gashay Doorashada ayaa dhankiisa sheegay in Maxamed Cabdi Waare iyo Maamulkisa Hirshabeelle ay kula shaqayn doonaan si walaaltinimo iyo daris wanaag ku jirto

Madaxwaynaha cusub ayaa waxaa horyaala arimo fara badan oo u baahan in wax laga qabto arinta ugu wayn ayaa ah dib u heshiisiin siyaasadeed ayado ninki xilkaan ugu horeeyay uu Baledwayne Xarun ka dhigtay sheegayna inuu wili yahay Madaxwaynaha saxda ah beesha Caalamka ayaana walaac ka muujisay arintaas Cali Cosoble waxaa 14 August  ee sanadkaan kalsoonida kala Baarlamaanka Maamulkaas

 

Ali Abdiwahab Aden

Ceelhuuronline