Ciidamo gaaray degmada Hobyo gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Saaka xilli hore ayaa ciidamo wata gaadiid dagaal waxa ay gaareen magaalo xeebeedka Hobyo gobolka Mudug.

Ciidanka ayaa isugu jira ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA iyo Ciidanka Kumaandoosta Xoogga Dalka DANAB. Waxayna ciidamadan xalay ka baxeen magaalada Cadaado, gobolka Galgaduud.

Ciidanka Hobyo ayaa waxaa horkacayey taliyaha NISA qeybta Galmudug Cabdi Dheere iyo Taliyaha DANAB Qeybta 21 aad Qooje.

Lama oga ujeedada safarka ciidankan, waxaana goobjoogayaal ku sugan degmada Hobyo inoo xaqiijiyeen in ciidanka fadhiisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalo.

Sidoo kale saraakiisha wadata ciidankan ayaa kormeeray dekedda Hobyo. Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com