Wasiir Odawaa oo Cadaado soo gaaray

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka xukuumada soomaaliya cabdiraxmaan maxamad xuseen odowaa ayaa soogaaray magaalada cadaado.

wafdiga wasdiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada cadaado waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne kuxegeenka galmudug maxamad xaashi cabdi wasiiro,xildhibaano,iyo qeybahya kala duwan ee bulshada.

wafdiga wasiirka ayaa waxaa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada galmudug ee cadaado

ujeedka socdaalka wasiirka arimaha gudaha ee magaalada cadaado ayaa lasheegay inuu kusaleysan yahay xalinta dagaal dhexmay maray maleeshiyo taabacsan qaar kamida ganacsatada galmudug iyo Ciidamada nabadsugida soomaaliya qeybta galmudug oo kadhacay magaalada Godinlabe.

wasiirka ayaa lagu wadaa in uu lakulmo  odoyaasha dhaqanka siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ganacsatada deegaanka.

Maalmihii danbe ayaa waxaa magaalada godonlabe kasocday saan saan colaadeed oo udhexeysay maleeshiyo iyo ciidanka Nabad sugidda.

Comments are closed.