Harry Kane: “Waxaan doonayaa inaan mustaqbalkeyga ku qaato Tottenham Hotspur ‘

Ciyaaraha

Tottenham Hotspur weeraryahankeeda Harry Kane ayaa ku celiyay rabitaankiisa ah inuu hal naadi ku dhamaysto mustaqbalkiisa iyadoo qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub ay xiisaynayaan.

Weeraryahanka reer England ayaa qaab ciyaareed cajiib ah usoo bandhigay kooxdiisa iyo wadankiisa xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 17 gool ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan oo kaliya seddex bilood.

Inkastoo lala xiriirinayay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, xiddiga ku guuleysta Premier League ee Golden Boot ayaa ku faraxsan kooxda waqooyiga London.

“Hadafkeygu waa inaan u ciyaaro kaliya xirfadeyda oo dhan Tottenham,” Kane ayaa u sheegay wargeyska Jarmalka Bild am Sonntag.

“Waxaan heysanaa koox fantastik ah, waa tababare weyn, xarun tababare xirfad leh, waxaana heleynaa garoon cusub, iminka wax walba waa ay ku haboon yihiin halkaan waan ku faraxsanahay.”

Tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeeyay ee Spurs u saftay 2011, Kane wuxuu dhaliyay 112 gool 180 kulan oo uu u saftay.