Hanti-Dhowraha Qaranka oo qirtay in ilaaladiisu dileen Wasiir Cabaas Siraaji

Wararka Maanta

Hantid Dhowraha Dowlada Soomaaliya Dr Nuur Jimcaale ayaa ka hadlay Dhacdadii Xalay askari ilaalo u ahaa isaga uu dilay  Allah ha u Naxariistee Wasiirkii Hawlaha guud ee Dowlada Soomaaliya  Cabaas Siraaji.

Hanti Dhowraha ayaa sheegay in kala shaki uu soo kala dhexgalay Ciidamada sidaasina ay sababtay in askariga uu rasaasta ugu furo gaariga wasiirka.

Waxa uu sheegay in ay hadda socdaan baaritaano ay wadaan islamarkaasina warbaahinta ay dib uga soo sheegi doonaan dhacdadaasi iyada oo faah faahsan.

Allaha u naxariiste waxaa xalay askari katirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya uu ku toogtay meel aan ka fogeeyn madaxtooyada wasiirkii howlaha guud ee xukumada Soomaaliya Allaha u naxariistee wasiir Cabaas Siraaji.