Haasaawihii oo qaab siyaasadeed laga dhigay

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

sheeko siyaasadeed

Waxay ahayd xili Fiid hore ah abaarihii 8:30pm Fiidnimo xili ay markaas kasoo baxday Cawro ay kasoo sameysaneysay shoobo

Waxaa markaas carwada horteeda fadhiyey wiilal dhalinyaro ah  oo markaas ku shaax cabaayey

Midka mid ah wiilashii ayaa usoo gabo kashday in uu la hadlo gabdhii wuxuuna hadal ku bilaabay sida tan:

  • Wiilkii:hello Abaayo waxaan rabaa in aan shir albaabadu u xiran yihiin yeelano(Inaan kulano)
  • Gabadhii:Waxna kama qabo waa inoo bari galab insha allah

Kadib markii la kulmay

Wiilkii : Abaayo wali dowlad masoo dhistay (ma lagu guursaday camal)

  • Gabdhii: Haaa
  • Wiilkii:ma lagu aqoonsaday(Ubad maad soo dhashay)
  • Gabdhii:maya aqoonsi ma jiro miisaaniyadii dalkana hoos ayey u dhacday (Biilkee ayaa adkaaday)
  • Wiilkii:dabadeedna
  • Gabadhii:Mooshin aan ka keenay (Dacwad furis ah) Sidaasaa Cod aqlabiyad ah kaga guuleysta Ogolaansho labada dhinac ah (ku kala tagnay)
  • Wiilkii:Armaad anigana mooshin iga keentaa hadii miisaniyada dalku hoos u dhaco(dhaqaalo la’aan timaado)
  • Gabadhii:Maya waxaan kuusameynayaa muddo kordhin (Kuu sabrayaa) waayo waxaan ogaday in dowlad la’aani ay dhaanto dowlada xumo (nin la’aan nin xumaa dhaanta)
  • Wiilkii:Hada ma ii codaysay
  • Gabadhii Haan waliba waxaan kuugu shubay anigoo ku garab taagan
  • Wiilkii:Ok doorashadeenu side bay u dhacaysaa(Meherkeenu) ma hab deegaanbaa mise 4.5 (mid ay labada reer isku imaanayaan)
  • Gabadhii:Maya ma rabo 4.5 waxaan rabaa hab deegaan (mid ay isku arkaan dariska iyo asxaabta)
  • Wiilkii:Ok insha allah waxaan sugnaaba waa waqtiga doorashada

(W/Q Fatxi Xaaji Niiniile )