Gudoomiye Waaxeed lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Gudoomiye Waaxeed ka tirsan degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa rag hubeysan ku dileen degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in 2 dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ay toogteen Guddoomiye Waaxeedkii Waaxda Saddexaad ee Degmadaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abuukar.

Ciidamada ammaanka degmadaasi oo goor dambe gaaray goobta lagu dilay gudoomiye waaxeedkaasi, ayaa waxa ay halkaasi ka bilaabeen howgal lagu baadi goobayo ragii dilkaasi ka dambeeyay.

Waa dilkii labaad oo toddobaadkan gudihiis ka dhaca degmada Wardhiigley,Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa lagu diley isla degmadaas taliyihii Saldhigga Booliska degmada Wardhiigley.

Dilka Guddoomiye waaxeedkan ayaa ku soo beegmaya  xilli saaka lagu toogtay magaalada Muqdisho labo dhalinyaro ah oo sanadkii 2016kii la qabtay kadib markii ay ku dileen degmada Wadajir nabadoon.