Booqashadii Faa’iza oo Murugo badan igu reebtey (Sawirro)

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Dhibaatadii Foosha Xumeyd  loo geystey Faaiza Maxamed Cabdi Waa Dhibaato Ugub ku ah Dalka Soomaaliya, waxaana Dhacadaan si weyn uga gilgishey Dhamaan Ummada Soomaaliyeed kuwaas oo Dalbanayey in la soo Gacan geliyo Dhagar qabihii  Dhibaatadaas  Geystey Anigoo arrintaas ka duulaya ayaa waxaa ii suurta gashey in aan Isbitaalka Erdogan Ex. Digfeer  ku booqdo Dhibane Faaiza, Salaan ka dib waxaan isku sheegey in aan ahay Wariye Doonaya in aan wax ka ogaado Xaalada Gabadha, markiiba waxaa I soo dhaweeyey Hooyadeed Farax Saleebaan  iyo Awoowgeed Maxamuud Cabdulaahi Macalin

“27 Bishii Oktoobar ayaa Dhibaatadaan ku dhacdey Gabadheena, Lix Maalmood ayey Tiiley Isbitaal ku yaala Magaalada Boosaso iyadoo qabta Dhaawac  Halis ah, kadib waxaa la keeney Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Digfeer oo aan u Mahadcelineyno Shaqaalaha iyo Madaxdiisa ” ayuu yiiri Nabadoon Maxamuud Cabdulaahi

“Gabadheyda waxay Dhalatey 2002, waa 15 jir  waxayna nooga soo tagtey Tuulada Qararo oo Sodan Kiilo mitir u jirta Magaalada Buuhoodle ee Dhinaca  Deegaanka Soomaalida Itoobiya,  maalmo yar ayey joogtey Boosaaso marka aan mashaqadaan Maqalney, halkaas ayaan ka Gurmaney” Sidaa waxaa tiri Hooyo Farax Saleebaan

Intaa ka dib waxaan la Hadley Dhibane Faaiza Maxamed Cabdi oo ay ku xirnaayen Tubooyin badan Maadamada Rasaas lagu dhaawacay Xubinteeda Taranka, Kaadi haysta iyo ilma galeenka, Faiza oo cod aad u hooseya igula hadlaysa ayaa weydiiyay sida ay sheekada ku bilaabatay waxayna tiri “ Ninka Dhibaatada ii geystey waxaan iska Baraney Teleefoon Magaciisana waxaa  la yiraahdaa Cabdiqaadir, habeen ka mid habeenada ayaa tagney Xaafada Maxjarka  ee Magaalada Boosaaso, wax yar ka dib sheekadii ayaa naga Xumaatey waxaana na dhex marey dagaal gacanta aan iskula tagney oo aan isku difaacayay maadaama  wixii uu iga rabey  iga waayey ka dibna Rasaas ayuu ila dhacay, markaas ayaa Miyir iigu dambeysey”

Faiza oo Dareen ahaan isbadashay markii ay warkan ii shegeysay ayaa ii sheegtay in Cabdulqaadir labisnaa Dareeska Ciidanka, uuna ku dhiftay Sadax xabadood oo Bistoolad ka dhacaysay labo ka mid ahna ay uga dhacday Xubinta Taranka halka Xabada kalana uu Madaxa u rabay laakiin nasiib Wanaag ay Tinta dhex martay .

Mar aan weydiiyey sida ay u aragto qabashada la sheegey  ninkii dhibaatada u geystey waxay la soo boodey “ ha la qabato ama yaan la qaban aniga Caafimaadkeyga  ayaa  wax waliba iiga wanaagsan” hase yeeshee  arrintaas mid ka duwan waxaa qaba  Awoowgeed  Maxamuud Cabdulaahi oo yiri “Waxaan Codsaneynaa in Bahalkaas hororka ah ummada Soomaaliyeed laga qabto oo Cadaalada la hor keeno”

Mar aan ka wareystey Xaalada gabadha  Dhaqaatiirka Gacanta ku haysa  Waxay ii Sheegeen in lagu saameeyey  Qaliin Isku Furan (Vistula) oo Xabadi Sababatey oo qaatey Muddo Shan saac ah, waxayna intaa ku dareen  in muddo Laba Todobaad gudahood ah  la ogaan doono in Qalinka lagu guuleystey iyo in kale

Dhinaca kale intaan Wareysiga ku jirey waxaa isbitaalka Gabadha ugu yimid Xildhibaano  ka tirsan Gudiga xaquuqul Insaanka ee Baarlamaanka oo kala ah Maryan Haaruun, Faadumo Ismaaciil iyo Xaawo Yuusuf  waxay doonayeen in ay wax ka ogaadaan Xaalada gabadhaas

Si kastaba Faaiza waxay ahayd Gabar yar oo ugub ah oo Qurux badan oo Aduunka u Cusub yahay oo  loo Geystey Xadgudub Bani’aadam loo geysto kii ugu Xumaa taasoo noqoneysa taariikh ma hadho ah oo  damqineysa qof kasta oo Damiir leh, waxay aniga igu reebtey murugo iyo Uur ku taalo.

W/D Cabdinaasir Xersi Iidle

E-Mail naasixx1@gmail.com

Tel  00252615503978