Gudoomiye kuxigeenadda Gobolka Banaadir oo la badalay.

Wararka Maanta

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku waabariistay isbadal lagu sameeyey Gudoomiye kuxigeenadda iyo Xoghayaha Guud Ee Maamulka G/Banaadir, waxaana lagu badalay masuuliyiinta hoos ku qoran

1-G/kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa lo magacaabay. Marwo Muluuka Dheere Sh.A.qaadir.

2- Gudoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxmaed

3-Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane C.laahi Xaaji Erig.

4-Gudoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay: Aadan Sh Cali

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar.

Seefta dowlada ayaa galka ka baxsan waxaan muuqata in xilka laga xuyuubinayo masuuliyiintii hore, iyadoon loo eegeynin waxqabadka shaqsiga, arintan ayaa fursad siinaysa siyaasiyiin cusub inay saaxada kusoo biiraan.