Gudoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Uncategorized Wararka Maanta

Wafdigan oo uu hoggaaminaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa siweyn loogu soo dhaweyey magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha Jubbaland iyo xubnaha labada Gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland,wuxuuna kulan gaar ah uu la yeeshey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Axmed Madoobe.

Ujeedad socdaalka wafdiga guddoomiye Jawaari ayaa la xiriirta ka qeybgalka furitaanka kalfadhigii4aad ee baarlamaanka Jubbaland oo ka furmaya magaaladaasi Kismaayo.

Inta uu joogo magaalada Kismaayo waxaa uu kulamo la yeelan doonaan madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada.