Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta magacaabay Guddi gaar ah oo ka soo tala bixiya qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyay dowladda Itoobiya iyo doodii ka dhalatay.
Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaan ah Xildhibaan ayaa lagu wargeliyay inay warbixin tifaftiran ka soo diyaaraan kiiskan iyo qaraarkii Xukuumadda ka soo baxay 6-dii bishan.
Waxaa lagu wargeliyay dhamaan hey’adaha ay quseyso inay u fududeyaan, gacana ku siiyaan howlahooda.
Guddigan ayaa la faray in labo maalmood gudahood ay ku howl galaan, kulankooda koowaadna uu ku qabsoomo 21-ka bishan September
Waxaa kaloo la faray in 10ka bisha October ay ku soo gudbiyeen warbixin Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabkayn.
Halkan hoose ka akhriso: